Goluhu Midowga Murashaxiinta wuxuu tabashada reer Hiiraan uu arkaa in ay tahay qaddiyad siyaasadeed oo u baahan waan-waan iyo wada-xaajood siyaasadeed,
Goluhu wuxuu kaloo u arkaa ciidanka Beledwyne laga dejiyey in uu carqalad ku yahay fursadaha nabad iyo wadahadalka. Waxaa weli muuqata in taliyayaasha ciidanka ay iska dhegatirayaan go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran, iyo baaqyadii bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka soo baxayey.
Haddaba, Raysal Wasaare Rooble waa in uu qaato masuuliyadda kaga aadan xaqiijinta in ciidanka laga saaro siyaasada, loona jiheeyo la dagalaanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish oo albaabada iskugu dhuftay suuqii ugu waynaa ganacsiga Soomaaliya ee Bakaaraha.
Ad