Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta Oo Ka Horyimid Go,aankii Kasoo Baxay Midowga Afrika

Midowga Musharixiinta Oo Ka Horyimid Go,aankii Kasoo Baxay Midowga Afrika

0

Gollaha Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid bayaankii maanta kasoo baxay guddoomiyaha Midowga Afrika ee looga soo horjeestay go’aankii Ra’isul Wasaare Rooble dalka uga eryay Francisco Madiera.

Qoraal caawa kasoo baxay gollaha midowga Musharaxiinta ayaa loogu baaqay Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki in uu si degdeg ah kaga laabto bayaankii uu ku difaacayay Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Madiera ee dalka laga eryay.

Midowga Musharaxinta ayaa ku eedeeyay wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb Francisco Madiera inuu faragelin qaawan ku hayay arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto inuu dhinac la safnaa.

Gollaha Midowga MusharaxiintA ayaa horey u taageeray go’aankii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya dalka uga eryay danjire Francisco Madiera oo ay sheegeen in uu ku xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya kuna milmay siyaasada isdiidan ee dalka.

Ad
Previous articleWasaaradda Amniga Soomaaliya oo Amar dulshigatay Wakiilka Midowga Afrika (Akhriso)
Next articleCabsi Xoogan oo Ka Taagan Koonfurta Gobalka Mudug iyo Alshabaab oo Kaabiga Ku Haaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here