Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta oo Bilaabay Dadaalo lagu Fasaxaayo Kursiga Fahad yaasiin

Midowga Musharixiinta oo Bilaabay Dadaalo lagu Fasaxaayo Kursiga Fahad yaasiin

0

Qaar ka mid ah xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa billaabay cadaadis ay doonayaan in lagu fasaxo kursiga uu xayiray guddiga doorashada ee uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, sida ay ogaatay Mudug24.

Ilo-wareedyo lagu kalsooon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ay wadaan dadaallo la doonayo in shahaadada xildhibaan lagu siiyo Fahad Yaasiin.

Xubnahan ayaa ku dooday in khilaafkan uu horseedi karo khilaaf cusub oo natiijadiisu noqoto dib u dhac kale oo ku yimaada dhameystirka doorashada golaha shacabka, taasi oo aanay cidna dan ugu jirin.

Kursiga Fahad ayaa la rumeysan yahay inuu is-hortaagay ra’iisul wasaare Rooble oo kaashanaya guddiga doorashada, taasi oo qeyb ka ah dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Fahad.

Musharaxiintan ayaa waxaa horey u jiray warar sheegaya inay yihiin qorshaha labaad ee Fahad iyo Qatar, haddii madaxweyne Farmaajo aanu yeelan rajo badan oo uu dib ugu soo noqdo xilka madaxweynaha, si gaar ahna Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

Kursiga Fahad ayaa ku jira mugdi badan, waxaana fashilmay qeyb ka mid ah qorshe ay maamullada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ku qaadici lahaayeen in xildhibaanada ay shahaado ka qaataan guddiga doorashada, kadib markii xubno laga soo doortay maamulladaas shahaado la siiyey.

Haddii xubnaha harsan badankood ay sidoo kale shahaado qaataan, alabaabka kaliya ee u furan Fahad ayaa noqonaya inuu helo xal uu guddiga doorashad uga helo shahaadada xildhibaannimo.  

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleRuushka oo war kasoo saaray Wadahadalada socda ee Ukraine
Next articleShacabka Ukrain oo Bilaabay inay si layaable ku laayaan Ciidamada Ruushka