Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan yeelanaya maanta

Midowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan yeelanaya maanta

0

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in ay shir la yeeshaan wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Xerada Xalane ka hor banaanbaxa Jimcaha oo ay islaamiyeen musharixiinta.

Kulanka oo ku qabsoomaya Aalada Fogaan Aragka ee ( ZOOMKA) ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan  in ay ka wada hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashooyinka Soomaaliya oo weli muran uu ka taagan yahay.

Xubnaha Xubnaha Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay cadaadis saarayeen Saamileyda siyaasadeed ee dalka si muran ka doorashada xal looga gaaro, iyaga oo la kulmay madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Musharixiinta Madaxweynaha.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Xubnaha Midowga Musharixiinta ay Beesha Caalamka u gudbinayaan xaaladaha kajira dalka iyo in aysan ku qanacsaneyn in arrimaha doorashooyinka loo daayo kaliya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

Kulanka Midowga Musharixiinta iyo wakiilada Beesha Caalamka ay yeelanayaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Jimcaha todobaadkaan loo balansan yahay banaanbax ay horboodaayaan Musharixiinta oo looga soo horjeedo Maxamed Cabdullaahi Farmajo..

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMaamulka Jubbaland oo Sharuud ku xiray ka qeyb galka Doorashada Somaliya
Next articleTurkiga oo ku eedeeyay Mareykanka in uu taageero Argagixisada