Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta Dalka oo ku dhawaaqay Banaan-bax weyn oo muqdisho ka dhaca

Midowga Musharixiinta Dalka oo ku dhawaaqay Banaan-bax weyn oo muqdisho ka dhaca

0

Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Misharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo khilafka weli kajira doorashada Soomaliya.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maalintii lixaad shi sharci darro ah ku joogo Villa Soomaaliya, isaga oo uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Waxaa u sheegay in dalkaan ay aheyd in ay ka dhacaan doorashooyin, hayeeshee aysan muuqan ififaalo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan.

Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday aysan xalka qeyb ka aheyn, balse ay xaalada buur wadaan, waxaana uu ku dhawaaqaan banaanbax nabadeed oo uu sheegay in lagu dalbanayo inay dhacaan doorashooyin loo dhan yahay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo isagana hadlay waxaa uu sheegay in banaanbaxaas uu maalinta Jimce ah ee soo socota oo taariikhda ku beegan tahay 19/2/2021 uu ka dhacayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dhawaaqeen banaanbaxyo balse aysan dhicin, hayeeshee waxaa jirtay in banaanbax ka dhacay degmada Yaaqshiid in ay ka dhalatay is rasaaseyn dhex-martay ciidamada dowladda iyo kuwo ilaalo ka hayay dadka banaanbaxayay.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleCabdifitaax Xayir Ciise oo loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan
Next articleSawiro:- Saddex Haween oo Xaamilo ah oo Saaka lagu dilay Degmada Deyniinle