Home Wararka Somaliya Cabdifitaax Xayir Ciise oo loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan

Cabdifitaax Xayir Ciise oo loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan

0

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabay Degmada Hodan, kadib markii la dilay Gudoomiyihii degmadaasi.

Cumar Finish ayaana u magacaabay Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdifitaax Xayir Ciise  oo ilmo adeer la ah Gudoomiyihii la dilay ee Degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) .

Wareegtada Cumar Finish ayaa lagu faray Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Hodan in si deg deg ah xilka ula wareego si loo dar dar galiyo howlaha shaqo ee maamulka  degmada Hodan.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa bishii hore agagaarka isgooska Howlwadaag ku dilay Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun maalin kadib markii uu kasoo laabtay howlo caafimaad uu u aaday dalka Turkiga kadib qarax lagu dhaawacay.

Ad
Previous articleRaisal Wasaare Rooble oo amar ku bixiyay Furista Wadada Dabka ee la xiray
Next articleMidowga Musharixiinta Dalka oo ku dhawaaqay Banaan-bax weyn oo muqdisho ka dhaca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here