Home Wararka Maanta Midowga Musharaxiinta oo Shir Deg Deg ah iclaamiyay (Akhriso)

Midowga Musharaxiinta oo Shir Deg Deg ah iclaamiyay (Akhriso)

0

Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay qabsoomida shirweyne Wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan waxgaradka Soomaaliyeed, si loo taabba geliyo shirweynahaas ayaa waxaa la magacaabay labo guddi oo isugu jira Guddiga qaban qaabada shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay u caddaatay in Mas’uuliyiinta heer Federaal iyo dowlad goboleed in aysan dan ka laheyn doorasho hufan oo daah furan, natiijadeedana la isla aqbalo si dalka loo badbaadiyo.

Shirweynaha ay iclaamiyeen Musharaxiinta ma sheegin xilliga uu qabsoomayo iyo magacyada labada Guddi ee qaabilsan qaban qaabada iyo amniga shirweynaha.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha itoobiya oo mar kale Tegay Furimaha dagaalka
Next articleCiidamada Galmudug oo kala dhaxgalay Maleeshiyaad ku dagaalamay Galmudug (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here