Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga hor yimid tallaabadii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku joojiyay in heshiisyo ay gasho Xukuumadda illaa doorashada ay ka dhamaanayso.
Ridwaan Xirsi Maxamed oo xubin ka ah Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in kulan ay yeesheen Midowga Musharaxiinta ay ku qiimeeyeen khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, howlaha doorashooyinka.
Ridwaan Xirsi Maxamed, oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya, haatanna ka tirsan midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay in si taxadar leh loo eego wixii dib u dhac u keeni kara hannaanka doorashada iyo in awoodda aysan cidina u isticmaalin si tagrifal ah.
Wuxuu intaa ku daray Ridwaan in khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay tahay arrin muuqata ayna Midowga Musharaxiinta ay war ka soo saari doonaan.
Dhinaca kale, Midowga musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa kulan ay xalay yeesheen waxa ay ku sheegeen in xukuumadda ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay si aan wanaagsaneyn u maaraysay khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi.