Home Wararka Maanta Midowga Afrika oo War kulul Kasoo Saaray weerarkii ay Al...

Midowga Afrika oo War kulul Kasoo Saaray weerarkii ay Al Shabaab Cagta ku mariyeen Xerada ATMIS ee Ceel-baraf

0

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Midowga Afrika.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, waxana uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Al-Shabaab oo shalay war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga.

Warar ka soo baxayay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay cagta mariyeen xerada, ayna dileen in ka badan 170 askari.

Dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. Waxay sidoo kale sheegatay inay askar nool ku qabatay dagaalka, balse ma jiraan ilo kale oo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab

Ad
Previous articleAlshabaab oo Soo Bandhigtay Maydadka Iyo Hubkii Shalay ay Ku Qabsadeen Ceelbaraf(Sawiro)
Next articleMadaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo Dalalka reer Galbeedka Hordhigay Dalab Cajiib ah oo lagu soo afjaraayo Dagaalka Ukrain ka Socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here