Home Wararka Maanta Midowga Africa oo Ciidamo Dheeri ah u Soo Diray Soomaaliya(Sawiro)

Midowga Africa oo Ciidamo Dheeri ah u Soo Diray Soomaaliya(Sawiro)

0

Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay cutubyo cusub oo ka tirsan ciidankeeda booliska ee FPU, kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afirca ee AMISOM.

Bayaan kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada cusub ee maanta kasoo degay magaalada Muqdisho gacan ka geysan doonaan horumarinta shaqada Booliska AMISOM, sare u qaadista sharciga iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya, waxaana Uganda ay ugu horreysaa dalalka ciidmada Booliska ah ugu deeqay howlgalka AMISOM, kuwaasoo sidoo kale ay ka mid yihiin waddamada Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Ghana iyo Zambia.

“Waxaan la shaqeyn doonnaa saaxiibada ka socda dalalka kale ee booliiska ee gacanta ka geysanaya soo celinta nabadgalyada iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka ah” ayuu yiri Daniel Okello oo ah taliye ku xigeenka guutadan cusub markii uu soo gaaray Muqdisho.

Ciidankan cusub ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan booliska AMISOM, waxaana sida lagu sheegay bayaankan ay marka hore dhammaysan doonaan karantiil laba toddobaad ah oo khasab ah si waafaqsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 ee ay dejisay wasaaradda caafiimaadka Soomaaliya.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble oo Shir looga Hadlaayay Amniga sii Xumanaaya ee Dalka ku Qabtay Muqdisho(Sawiro)
Next articleDowlada Shiinaha Oo ergay Cusub usoo Magacowday Dalal ay Soomaaliya Ku Jirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here