Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Mid kamid ah xeryaha AMISOM oo Gubtay iyo Qaraxyo Waawayn oo laga...

Mid kamid ah xeryaha AMISOM oo Gubtay iyo Qaraxyo Waawayn oo laga Maqlay

0

Saldhig ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ku leeyihiin degaanka Haansheekh oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka kacay dab xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Dabkan oon wali si rasmi ah loo shaacin waxa dhaliyay ayaa ku fidiya qeybo kamid ah xerada ciidamada gaar ahaan bakhaaro hub ugu keedsanaayeen ciidamada AMISOM iyo goobo kale ay ciidamada degnaayeen.

Xerada gubaneysay ayaa la sheegay in laga maqlayay dhawaqa qaraxyo iyo rasaasta ku jirtay keydka hubka ee gubtay, waxaana dadka ku dhaqan degmada Balcad iyo deegaano ku dhaw dhaw u qaateen in halkaasi dagaal ka socday.

Talisa ciidamada AMISOM ayaan wali ka hadlin xerada ciidankooda ee dabku qabsaday iyo khasaaraha ka dhashay dabkaasi iyo keydka hubka ee gubtay, mana jiraan ilo kale oo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Ad
Previous articleAfhayeenkii Xukuumada Soomaaliya oo asagoo Dhaawac ah Dalka Dib ugu Soo laabtay si U Xildhibaan u Noqdo
Next articleDiyaarado Gargaar Sida oo Maantay loo Diray Magaalada Gaalkacyo