Home Wararka Somaliya Galmudug Mid kamid ah Saraakiishii Xoreeyey Gobalka Mudug oo Muqdisho lagu weeraray

Mid kamid ah Saraakiishii Xoreeyey Gobalka Mudug oo Muqdisho lagu weeraray

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad hubeysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay weerar ku qaadeen guriga sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka isgoyska Boondheere, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah, markii ay isku dhaceen labada dhinac.

Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Sayid-Cali, wuxuuna ka tirsan yahay ciidanka lagu soo tababaray Eritrea ee hadda ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalka milatariga ee lagu dagaalamay hoygiisa uu dhaawac kasoo gaaray weerarka lagu qaaday, waxaana hadda la dhigay isbitaal.

Ma cadda sababta loo weeraray sarkaalkan oo ilaaladiisa iyo kuwa dowladda ay xalay ku dagaalameen magaalada Muqdisho, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda.

Inta ay socotay rasaasta ayaa si weyn looga dareemay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxayna labada ciidan isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

“Jawiga ayaa u kacay xabado saaid ah ayaa la’is weydaarsaday labada dhinac Dhashiike iyo Daba-jeex ayaa la adeegsaday” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana la kala qaaday ciidamadii dagaalamay, sida uu sheegay goobjooge ku sugan degmada Boondheere.

“Hadda xaaladdu way dagan tahay wax xabado ahna ma jiraan, waana la kala qaaday ciidankii, hadda amniga sidii hore ayuu kusoo laabtay” ayuu mar kale yiri.

Horay ayaa sidan oo kale loo weeraray guryo ay dagan yihiin saraakiil, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, ayadoo la xasuustoo weerarkii Janaraal Sheegow

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey 20 QOF oo Soomaali ah oo ku dhintay Kenya Kadib markii….
Next articleDuqeyn lagu dilay dad iyo boqolaal neef oo Geel ah oo ka dhacday Deegaanka…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here