Home Wararka Maanta Mid kamid ah Magalooyinkii Alshabaab ka Difaacaayeen Ceelbuir oo La Qabsaday

Mid kamid ah Magalooyinkii Alshabaab ka Difaacaayeen Ceelbuir oo La Qabsaday

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xooggaga Kacdoonka Shacabka (Macawisley) ayaa si rasmi ah ula wareegay deeganka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur, taasi oo uu ku wajahan yahay duulaan culus, si looga xoreeyo kooxda.

Dagaal-yahaanada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iskaga cararay kadib markii ay ogaadeen in awoodda ciidanka qaranka aysan u babac dhigi karin, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo howl-galka hoggaaminaya ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in Cowsweyne iyo tuulooyin kale si buuxda gacanta loogu dhigay.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dagaal kula wareegeen magaalada Waxbo ee gobolka Galgaduud oo ah magaalo aad muhiim u ah, kuna taala meel istaraatiiji ah.

Ciidamada Qaranka iyo dad deegaankaee iskaashanaya ayaa sidoo kale la wareegay deegaano ballaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale iyo Goobo kale oo Galgaduud ka tirsan.

Deegaanadan ayay ciidamada ka sifeyeen kooxda Al-Shabaab, waxaan hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waana qeyb kamid ah howl-gallada sifeynta ah ee ka socda deegaannada ka tirsan Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen.

Howl-galladaan ayaa imaanaya xilli ciidamo aad u badan toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Huwanta oo Gaaray Duleedka Degmada Ceelbuur
Next articleP.M Xamse oo Talaabo Deg Deg ah Qaaday kadib Qarixii ismiidaamint ahaa ee Saakay(Sawiro)