Home Wararka Maanta Mid ka mid ah Nabadoonadii Alshabaab la Shaqayn Jiray oo isasoo Dhiibay(Sawiro)

Mid ka mid ah Nabadoonadii Alshabaab la Shaqayn Jiray oo isasoo Dhiibay(Sawiro)

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalada ka wada gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa soo dhaweeyay nabaddoon la sheegay in uu la shaqeyn jiray kooxda Al Shabaab ee laga saaray degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno kale oo hoostaga.

Saciid Xuseen Raage oo kamid ahaa nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Sh/Dhexe.

Goobta lagu soo bandhigayay nabadoonkan kasoo goostay kooxda Al Shabaab waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale.

Nabadoon Siciid Xuseen Raage ayaa sheegay in lagu qasbay la shaqeynta kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in uu go’aansaday in uu yimaado dhinaca dowladda diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo.

Al Shabaab ayaa lumisay gacan ku heynta deegaanno badan oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana la sheegay dadkii la shaqeyn jiray qaarkood in deegaano kale aadeen halka kuwa kalana bilaabeen in ay is dhiibaan.

Ad
Previous articleC/llaahi Xaashi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayey Maxkamaddu dil ku xukuntay oo Alshabaab ka Tirsanaa
Next articleIlo yar oo ku dhintay Doon Tahriibayaal ah oo kasoo tagtay Turkiga kuna Jeeday Giriiga, Tirada Tahriibyaasha oo lasoo bandhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here