Home Wararka Maanta Meydadka oo isbitaalka gudihiisa xabaal wadareedyo lagu aasayo

Meydadka oo isbitaalka gudihiisa xabaal wadareedyo lagu aasayo

0

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa agaasimaha isbitaalka Al-Shifa ee Qasa Muxamed Abu Salamiya ayaa sheegay in ugu yaraan 179 meyd ah lagu aasay xabaal wadareed ku yaala goobta uu ku yaallo isbitaalka Shifa iyada oo oo ay socdaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas.

Agaasimaha isbitaalku waxa uu sheegay in toddobo carruur ah oo dhawaan dhashay ay u dhinteen koronto la’aanta xaruuntaas ka jirta.

Abu Salamiya waxa uu yiri “Waxay ahayd in aan ku aasno xabaal wadareedyo” waxa uu xusay in maydadka ay daadsan yihiin wadooyinka isbitaalka, sidoo kalena ay korontadii ka go’day talaagadaha ku jiray qolka maydka”, iyada oo aanay jirin wax shidaal ah oo soo galay marinka Qasa ilaa 7-dii October

Ad
Previous articleCabdisalaan Cali Axmed oo dilay Cabdulaahi Cali Hudey oo Fagaaraha Guriceel lagu soo Bandhigay Shir Jaraaidna Lagu Dul Qabtay
Next articleIsbitaalka ugu weyn Qasa oo laga maqlay qaraxyo iyo rasaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here