Home Wararka Maanta Meyd Ceego lagu dilay oo lagu Arkay Suuqa Bakaaraha

Meyd Ceego lagu dilay oo lagu Arkay Suuqa Bakaaraha

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii si arxan darro loogu dilay aabe daganaa gudaha suuqa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cumar ayaa isaga oo mayd ah laga dhex helay guri ay isaga qoyskiiska ka daganaayeen halkaasi.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkan uu dhacay suxuurtii kadib, isla markaana dilka loo adeegsaday xarig lagu ceejiyay aabahaasi.

“Suxuurtii wuu nabas qabay ka bacdi 20 daqiiqo marka ay kasoo wareegatay ayaa loo imaaday isaga oo xarig lagu dilay oo guriga xagga sare meel laga soo galay ay ka muuqayo” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu jiray shaqsi uu muran kala dhexeeyay, kaas oo ka daganaa bakhaar ganacsi oo uu lahaa marxuumka, sida uu hadalka dhigay.

Waxaa jirta nin ay is haayeen oo dacwo ayaa u socotay bakhaar ayaa nin kaga jiray, wuuna diiday inuu ka baxo” ayuu mar kale yir.

Ninkan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale sheegay in aysan aasi doonin marxuumka, ayna ka war sugayaan baaritaan uu sheegay inay wadaan laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

“Baaritaanka ayaa hadda socdo, mana aaseyno maydka illaa amar dambe” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada.

Si kastaba, waxaa dilkan ka horreeyay mid kale oo isna ka dhacay degmada Wadajir, kaas oo loo gaystay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta hay’adda duuliska rayidka hawada, waxaana dilkiisa loo adeegsaday xarig lagu ceejiyay, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Muqdisho.

Ad
Previous articleMaxaa xalay ku dhacay Burcad baddeed markab ugu afduubnaa xeebaha Soomaaliya akdib Weerar Culus oo lagu Qaaday?
Next articleXamse Cabdi Barre oo Gaaray Xarunta NISA kadib Qarixii Hotel SYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here