Home Wararka Caalamka Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Dadka...

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Dadka ajaanibta

0

Maxkamada ugu sarreeysa dalka Maraykanka ayaa soo saartay go’aan ay dad baddan oo soo galooti ku ah dalkaasi Mareykanka ay ka sugayeen Madaxda dalkaas.

Maxkamada ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey.

Go’aanka  ka soo baxay Maxkamada dalka Mareyka ugu sarreeysa ayaa dhabar jab ku ah dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah.

Qareenadda  iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xiriiraan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xiriira g’aanka Maxkamada.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka qaar ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDhageyso:-Taliye Xijaar amar ku socda Saraakiisha & Ciidamada Booliska oo Dowlada kasoo baxay
Next articleMadaxweyne Puntland Siciid Deni oo amar siiyay laamaha Amniga