Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay Dhageysiga dacwad loo haysto 36 Eedeysane oo Ajaanib ah.
Raggan waxaa hore xukun ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo Eedeysanayasha loo haysto inay sifo sharci darro ah uga kalluumaysteen xeebaha Soomaaliya.
“Lacagta maxkamaddu nagu xukuntay oo ah 11 bixinta qofkiiba11 kun oo dollar ma bixi karno boqol sano haddii aan xirnaano, laba boqol ayaan bishii mushahar u qaadanaa waxaan codsaneynaa in naloo naxariisto” ayuu yiri xukunsanahaan oo maanta ka soo muuqday Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.
Xeer ilaaliye ku-xigeen guud ee Maxkamadda Racfaanka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa Maxkamada Racfaanka ka hor sheegay inay Maxkamadda Hor keenayaan dhamaan cadaymaha lagu hayo Eedaysaneyaashan.