Home Wararka Maanta Maxkamada Gobalka Banaadir oo Sadex Masuul uu Ku eedaysan Xatooyo Xoolo Dadwayne...

Maxkamada Gobalka Banaadir oo Sadex Masuul uu Ku eedaysan Xatooyo Xoolo Dadwayne laso Taagay iyo Lacagaha Lagu eedeeyey

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta la horgeeyay saddex mas’uul oo ku eedeysan xatooto xoolo dadweyne, kuwaas oo ka kala tirsan Bankiga Dhexe iyo sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Sadexda mas’uul ee la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kala ah, 1-Abuukar Maxamed Cali  2-Cabduqaadir Cabdi Socdaal 3-Maxamed Aadan Cabdullaahi.

Eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka qayb qaatay lunsashada lacag dhan illaa 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar.

Sidoo kale ninkan ayaa xeer ilaalinta waxay ay ku soo eedeysay inuu adeegsaday warqado dowladeed oo been abuur ah oo uu leeyahay xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka.

Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ah qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa loo haystaa inuu lunsaday $83,630 (Sideetan saddex kun, lix boqol iyo sodon dollar) sida ay shaacisay xeer ilaalinta qaranka.

Eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cabdullaahi ayaa isna lagu soo eedeeyay inuu wax ka lunsaday lacag dhan 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar oo ah eedda loo jeediyay eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed oo sidoo kale ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda.

Saddexda eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay dhammaan eedaha loo jeediyay, waxaana haatan socda dooda kiiskooda

Ad
Previous articleDiyaarado maanta weeraray Caasimadda Ruushka ee Moscow
Next articleGaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo Mudo Kadib Xil Culus loo Magacaabay Xili Ceelbuur Weerar lagu Yahay