Home Wararka Maanta Maxkamada Dalka Masar oo Sii Daysay Gabar Soomaaliyed oo Dishay nin Masaari...

Maxkamada Dalka Masar oo Sii Daysay Gabar Soomaaliyed oo Dishay nin Masaari ah kadib Markiii….

0

Gabar Soomaaliyeed oo da’deeda lagu sheegay 15-sano jir ayaa toorey ku dishay nin taksiile ah oo damcay in uu kufsado, waxaana dhacdadan si weyn u hadal haya warbaahinta dalka Masar iyo kuwa Carbeed.

Booliiska dalka Masar ayaa xiray gabadhan Soomaaliyeed oo isku dhiibtay markii ay dilka geesatay kadib, waxa ayna gabadha sheegtay in ninka ay dishay oo ahaa taksiile uu damcay in uu kufsado balse iyada oo is badbaadineysa dishay ninkaasi.

Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ayaa amar ku bixisay in la sii daayo gabadhan Soomaaliyeed kadib markii baaritaano hordhac ah ay booliiska sameeyeen lagu ogaaday in gabadha ninka dishay si ay nafteeda u badbaadiso.

Warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaari taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay in uu kufsado, waxa uuna darawalka gabadha ku cabsiinayay toorey uu watay taa oo keentay in gabadha inta ka dafto tooreyda xabadka ka galiso.

Ad
Previous articleXasan Shiikh”Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa leeyahay Allaha ajar iyo xasanaad ha ka siiyo, magac iyo karaamo ku muteyso doorasho ayuu sameeyay aysan dan ugu jirin oo isaga uu muraad ka laheyn”
Next articleNabadoon Cali Dheere oo La Dilay iyo Faahfaahin Kasoo Baxaysa Dilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here