Home Wararka Maanta Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ oo Go,aan Ka nixiyay israil Duldhigtay

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ oo Go,aan Ka nixiyay israil Duldhigtay

0

Maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku amartay Israa’iil inay furto qaybo badan oo ka mida xuduudda laga galo Qaza, si loo ogolaado inay halkaas ka gudbaan gargaar dheeri ah oo la gaadhsiiyo dadka baahan ee Falastiiniyiinta ah.

Amarkan oo ay soo saartay maxkamadda caddaaladda dunida ee Qaramada Midoob ay ee fadhigeedu yahay Hague ayaa fartay Israa’iil inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lama huraanka ah, iyaga oo aan dib u dhigaynin, si ay u hubiyaan, in gargaarka deg-degga ah si dhakhso ah gudaha loo gaadhsiiyo, gaar ahaan, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay ku jiraan, cuntada, biyaha, shidaalka iyo daawooyinku.

Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil inay si deg-deg ah u hubiso “in aanay ciidamadooda milaterigu aanay ku kicin falal xad-gudub ku ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qaza,” maadaama oo ay ka mid yihiin dadka uu ilaalinayo Axdiga ka hortagga iyo ciqaabidda dembiyada la xidhiidha xasuuqa ee caalamiga ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale u sheegtay Israa’iil inay maxkamadda warbixin ku soo celiso, muddo bil gudaheeda, gaar ahaan habka ay u hirgelinayso amarkan.

Israa’iil ilaa haatan wax fal-celina oo deg-deg ah kama bixinin amarka ka soo baxay maxkamadda caddaaladda dunida, hase ahaatee waxay si adag u beenisay inay geysatay wax xasuuq ah, muddada lixda bilooda ee ay dagaalka ka waddo marinka Qaza.

Israa’iil ayaa maxkamadda ku boorisay in aanay soo saarin amaro cusub.
Ad
Previous articleBangiga Aduunka oo u Hanjabay Dowlada Soomaaliya
Next articleMaxay Maraakiibta dagaalka ee Ruushka u tageen Eritrea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here