Home Wararka Maanta Maxbuus uu dhalay Masuul katirsan Dowladda Ruushka oo baxsaday Xilli Mareykanka loo

Maxbuus uu dhalay Masuul katirsan Dowladda Ruushka oo baxsaday Xilli Mareykanka loo

0

Wakaallada Wararka  u faafisa dalka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay inuu baxsaday Maxbuus Raashiyaan ku xirnaa magaalladda Milano.

Maxbuuska oo lagu magacaabo Artyom Uss waxaa dhalay Aleksandar Uss oo ah Guddoomiyaha Gobalka Krasnoyark ee dalka Raashiya

Wakaallada Wararka ANSA waxay sheegtay inuu Maxbuuska ka baxsaday Xabsi-guri lagu hayey (House arrest), kadib, markii uu jejebiyey Qalab Elektronik oo Lugta looga xiray, si loola socdo Dhaqdhaqaaqiisa.

Boliska The Carabineri ee Hay’adda Xoojinta Sharciga dalka Talyaaniga ayaa bilowday Baadi-goobka Maxbuuska oo la sheegay inuu shalay Galab oo Arbaco ahayd ka baxsatay Gurigii uu ku xirnaa.

Maxbuuska oo 40 jir ah waxaa bishii October ee sanadkii hore laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Malpensa Airport ee magaalladda Milan, isagoo ku eedeysan Ka-baxsi Cunaqabatayn iyo Xawilaad Lacageed (sanctions evasion and money laundering).

Maxkamadda Degmadda New York ayaa horey u soo saartay Amar Soo qabasho Caalami ah oo ka dhan ah Artyom Uss.

Dowladda Maraykanka waxay ku eedeysay Artyom Uss inuu Teknoolajiyada Milliteriga Maraykanka ka iibiyey Hay’ado Raashiyaan oo Cunaqabataynta Maraykanka la saaray iyo inuu Shidaal laga soo tahriibiyey dalka Venezuela ka iibiyey Macaamiil ku sugan dalalka Raashiya iyo Shiinaha.

Bishii October ee sanadkii hore, Maxkamad ku taalla dalka Raashiya ayaa bixisay Amar lagu soo xirayo Artyom Uss oo ay ku eedeysay Lacago la xawilay.

Si kastaba Maxbuuska Aabihiisa, Aleksandr Uss waxa uu sheegay in dacwadda la dhanka ah Wiilkiisa la siyaasadeeyey iyo inay Dowladda Maraykanka doonayso inay Artyom Uss u adeegsado Gorgortanka Isdhaafsiga Maxaabiista ee Maraykanka iyo Raashiya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Rag ka Tirsanaa Alshbaab oolagu Dilay Suuqa Bakaaraha
Next articleAskar fal argagax lahaa ka geestay Muqdisho oo la xiray lagana ruqseeyay shaqada