Home Wararka Maanta Maxay yihiin shaqooyinka la siiyay ee ay ka cabanayaan Soomaali toban maalin...

Maxay yihiin shaqooyinka la siiyay ee ay ka cabanayaan Soomaali toban maalin ka hor loo qaaday Canada?

0

Dowalada Kanada ayaa dhawaan sheegtay inay wax ka qaban doonto caqabadaha dib u dhaca ku yimaada kiisaska dadka u socda dalkaas, markii ugu horaysay waxaa Uganda kabaxay duulimaad toos ah oo u kala goosha dalkaasi iyo Canada.

Diyaaraddii ugu horraysay oo toos ah oo sidday 377 qof 257 oo kamid ahaayeen Soomaali soo galooti ah ayaa gaaray dalka Canada.

Dadka kale ee diyaarada saaran ayaa waxaa kamid ah, dad u dhashay Eriteria, Itoobiya iyo Kongo.

Sida uu noo sheegay Mahad Abdi Osmano oo kamid dadka la socday diyaaradaas ayaa noo sheegay in dadka diyaarada saarna ayaa isugu jireen qaar shaqaale ah, xaasas iyo qoyasas barnaamijka ‘group 5’ ku baxay iyo kuwa qaxooti ahaa.

Waa markii ugu horeysay diyaarad toos ah oo dad intaa laeg ay dowlada Kanada toos Afrika uga soo qaado.

Mahad yiri: ‘’Horta kanada waa imid, laakiinse waxan maqli jiray shimbir iyo waraf kala war la’. Waxaanu kafileynay iyo sida ay noqotay ismalaha. Waxaan islaheyn waa meel barwaqo ah oo marka tagto lacag baa taala dadku wax ugu badana y jicelyihiin waa lacagtaa, lakin waxay noqotay rafaad waxay noqotay wda nidaam, safaf dhaadheer. Meelaha qaar safka aan 7-da subaxnimo gasho ayaad ilaa 12ka ku gaareysa, meel walbo waxa lagu weydinaya kaarkaa mahaysataan oo adigaba cid kula hadleysa majirto’’.

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in caqabadaha ugu weyn ee uu hadda wajahay ay tahay in jaamacadihii uusoo dhigtay iyo aqontii uu horay u lahaa ay noqdeen waxba kamajiraan.’’Meeshan xirfad ayaa lagu shaqeysanayaa’’. ayuu yiri.

Ad
Previous articleSafaaradadii Soomaaliya ew Sudaan oo la Bililiqaystay iyo Safiirka Dalkaas oo Ka Hadlay(Sawiro)
Next articleMaxaad ka taqaanaa gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee DJ ka ah Nairobi?