Home Wararka Maanta Maxay yihiin kumaandooska lagu tababarayo Turkiga ee uu Xasan Sheekh ugu hanjabay...

Maxay yihiin kumaandooska lagu tababarayo Turkiga ee uu Xasan Sheekh ugu hanjabay Al-Shabaab?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xerada militeriga Isparta ee dalka Turkiga ku booqday ciidan Soomaali ah oo uu socdo tababarka xirfadaha kumaandooska.

Askartan oo ay carbinayaan macallimiin ka tirsan militeriga Turkiga ayaa marka ay qalinjebiyaan dib loogu celin doonaa Soomaaliya, iyagoo gacan ka gaysan doona buuxinta baahida ay dowladda u qabto awoodda militeriga.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidankan oo boqollaal askari ah u jeediyay khudbad uu ku guubaabinayay.

Madaxweynaha ayay hadalkiisa ka muuqatay in uu Al-Shabaab ugu gooddinayay kumaandooskan Turkiga lagu tababaray.

“Waxaan rabaa inaan idiin sheego, aniga iyo dowladda aan madaxda ka ahay markan waxaa naga go’an in anigoo idinkana idinku tiirsan, shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaannna ku tiirsan, Allena ku tiirsan aan nimankaas dalka Soomaaliya ka saarno, kana baabi’inno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo si caro leh kor ugu hadlayay.

Maxay yihiin Kumaandooskan la sugayo

Dowladda Turkiga ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku howlanayd mashruuc ay Soomaaliya ugu tababarayso ciidan isugu jira militeri iyo booliska sida militeriga u carbisan.

Sidoo kale, ciidammada qaarkood ayaa tababarro dheeraad ah loo siinayay si ay u noqdaan militeriga loo yaqaanno Kumaandooska.

Dufcaddii ugu dambaysay kumaandooska ka tirsan ayaa qalinjebisay bishii March ee sanadkii 2021 halka koox kale oo ka kooban 150 askari durbadiiba loo qaaday Turkiga.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya, Xasan Xuseen Aadan, iyo saraakiil kale ayaa xilligaas ku sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

“Waxaad usoo tababaranaysaan dadkiinna iyo dalkiinna Soomaaliya. Waxaad tihiin ciidamada qaranka. Waxaan rajaynayaa in aad soo laaban doontaan idinkoo aqoon iyo xirfad badan leh,” ayuu wasiir Xasan ku yiri khudbaddiisa macsalaamaynta.

Xerada ay dowladda Turkiga ku tababarto ciidankan ee lagu magacaabo Isparta ayaa ku taalla magaalada Sparta ee ka tirsan gobolka koonfurta-galbeed ee Turkiga.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maamul Goboleedyada Ku amray Inay Weeraraan Alshabaab
Next articleMadaxda Qaranka oo Maanta masaajidka Cali jimcaale kula dukaday Salaada ciida Kumanaan ruux oo Shacabka (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here