Home Wararka Caalamka Maxay yihiin ciidanka Afghanistan ka baxaya ee kusii qulqulaya Ukraine?

Maxay yihiin ciidanka Afghanistan ka baxaya ee kusii qulqulaya Ukraine?

0

Xubno ka tirsan Guuto Gaar u tababaran oo ka tirsan ciidamada qaranka Afgaanistaan, ee ay uga tageen Maraykanka iyo xulafadiisa ka dib markii si degdeg ah ay ciidankooda ugala baxeen Afgaanistaan xagaagii hore, ayaa sheegay inay helayaan dalabyo ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka Ukraine.

Tiro badan oo ka tirsan ciidamada Afgaanistaan iyo xirfadlayaasha ammaanka ayaa aaminsan in cutubyo ka tirsan ciidamada lugta ee fudud ee uu Maraykanku tababaray, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey Maraykanka iyo ciidamada kale ee gaarka ah ee xulafada la ah in ku dhow 20 sano, ay ka caawin karaan Ruushka dagaalka ka taagan Ukraine.

Ka dib markii ay Taliban la wareegeen awoodda dalkaas, unuggan gaarka u tababaran ayaa looga aqoosnaday gudaha Ruushka argagaxiso ahaan iyagoo sidoo kalena laga mamnuucay dalkaas waagii hore.

Ciidankan gaarka u tababaran ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 20 ilaa 30 kun oo kamaandoos ah, kuwaas oo ku haray dalkaas.

Kaliya dhowr boqol oo sarkaal oo sar sare ayaa laga qaaday Afghanistan, xilligii waddammada reer galbeedku daad guraynayeen dadkii xidhiidhka la lahaa iyo muwaadidiintooda.

Qaar badan oo ka mid ah ciidamada gaarka ah ee ku haray Afgaanistaan ayaa ku dhuumanaya meelo aan la ogeyn si ay uga fogaadaan in la qabto lana dilo. Taliban ayaa si firfircoon u ugaarsanaysa taageerayaashii taliskii hore.

Mareykanka ayaa ku dhawaad 90 bilyan oo dollar ku bixiyay dhismaha ciidamada difaaca iyo amniga qaranka Afghanistan, inkastoo guud ahaan ciidamadan ay ahaayeen kuwo aan diyaar ahayn xilligii ay dalka ku wareejiyeen.

Ad
Previous articleCiidamada Soomaaliya oo 100 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Dagaal ka dhacay Galmudug
Next articleXanuunka Kansarka oo Noqday Kan ugu Dhimashada Badan Stockholm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here