Home Wararka Maanta Maxay yihiin awaamiirta cusub ee dhanka badda ee ay soo saartay dowladda...

Maxay yihiin awaamiirta cusub ee dhanka badda ee ay soo saartay dowladda Soomaaliya?

0

Dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag ula xisaabtami doonto maraakiibta jebiya shuruucdda badaha marka ay soo galaan xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda dekadaha dowladda fedraalka ee Soomaaliya ayaa awaamiir ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in maraakiibta xeebaha Soomaaliya soo galaya ay tahay in uu ka babbado calanka dalka Soomaaliya.

Maraakiibta isaga kala goosha badda Soomaaliya ayaa sidoo kale laga doonayaa in ay ogeysiiyaan hay’adaha badda ee dalka, ayna u hoggaansamaan nidaamka u degsan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Awaamiir cusub oo dhanka maraakiibta ayaa looga dan leeyahay in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta gudaha baddeeda.

Dhaqangelinta awaamiirtan badda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayso xiisadaha Geeska Afrika. Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa horraantii sanadkan gaaray is-afgarad ay Itoobiya ku dooneysay bad ay isticmaasho.

Hindisaha ayaa ujeedkiisu yahay in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka badda Soomaaliya oo dayacan tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Xakameynta kalluumeysiga sharci-darrada

Dhibaatada ugu badan ee 30 sano ee la soo dhaafay ka jirtay xeebaha Soomaaliya waxaa ka mdi ah kaluumeysiga sharci darrada ah.

Wasaaradda kaluumeysiga ayaa dhankeeda sheegtay in tan iyo intii la ansixiyay shuruucda cusub ee kaluumeysiga ay dowladda Soomaaliya qaadday talaabooyin wax looga qabanayo kaluumeysiga sharci darada ah.

Wasaaradda kaluumeysiga ayaa horey u soo saartay shuruuc lagu xakameynayo kaluumeysiga sharci darada ah.

Wasiir ku xigeenka kaluumeysiga Soomaaliya Cali Ifiye Cali ayaa BBC u sheegay in ay jiraan shuruuc ku filan oo lagu ilaaliyo kheyraadka Soomaaliya.

“Sharcigaas wuxuu u yahay muhiim wasaaradda kaluumeysiga, waxyaabaha muhiimka ah waxaa ka mid ah in sharcigaas uu xaddidayo maraakibta si sharci darada ah uga kalumeysta xeebaha Soomaliya” ayuu yiri.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladda ay awood sharci u leedahay taaba galinta shuruucda horey loo ansixyay maaddaama ay tahay in maraakiibta ay dhowraan shuruucda badaha.

“Awoodda ma aha oo kali ah mid xaddidan laakiin si sharciyan ah markabkaas waxaan la tiigsanaa sharciga caalamiga ah kii baddeenna ku soo xad-gudba isaga oo aan ruqso iyo ogolaanshiyo haysan,” ayuu yiri.

Mr Ifiye ayaa xusay in uu jiro nidaam ay wasaaradda kalluumeysiga kula socoto maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

“Wasaarada waxay leedahay nidaam lagula soconayo dhammaan maraakiibta sida sharci drada ah badda ugu jiro waana la xaddiday inay soo galaan,” ayuu intaa ku daray.

Wasiir ku xigeenka kalluumeysiga Soomaaliya Cali Ifiye Cali ayaa dhanka ale sheegay in sanooyin u dambeeyay ay wax badan ka qabteen kaluumeysiga sharci darada ah.

Waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraan maraakiib si sharci daro ah uga kaluumeysanayay oo ay maxkamad la tegsadeen islamarkaana xukunno lagu riday.

“Waad la socod markab la soo qabtay maalin dhexdaa ah kaasi oo ka yimid dalalka Kahliijka oo ay soo qabteen ciidamada badda maxkamad ayaa la keenay waa la xukumay kaluunkiina wadanka ayaa qaatay markabkiina waa la xukumay,” ayuu yiri Mr Ifiye.

Tobaneeyo sano oo dagaallo sokeeye iyo dowlad la’aan ah ayaa Soomaaliya ka dhigay mid u nugul kalluumeysiga sharci darrada ah, taasoo keentay in dalka ay kaga lunto lacag lagu qiyaasay 300 milyan oo doollar sanadkii.

Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu ballaaran qaaradda Afrika taasi oo u baaahan ilaalinteeda dadaal iyo wood badan.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo ka Jawaabay eedii Ugu Timid Qaramada Midoobay
Next articleMareykanka oo Yaxye Sinwaar dacwad ku soo oogay