Home Wararka Maanta Maxay tahay sababta uu Sheekhan u diiday inuu isku mehriyo lammaane is...

Maxay tahay sababta uu Sheekhan u diiday inuu isku mehriyo lammaane is guursanayay?

0

Axaddii lasoo dhaafay waxaa magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ka dhacday arrin hadal-heyn badan dhalisay, kaddib markii sheekh magaalada caan ka ah uu diiday inuu isu mehriyo lammaane is guursanayay.

Xafladda ayaa la qabanqaabiyay, cunnadii ayaa la diyaariyay, waxaana keliya la sugayay imaatinka sheekha iyo inuu meherka dhaco, hase yeeshee dib u dhac badan oo aan la fileyn ayaa ku yimid qabsoomidda meherka.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Sheekh Ibraahim oo ah sheekha diiday inuu lammaanaha mehriyo oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in meherka ay gabadhu dalbatay uu ahaa mid qaali ah, sidaas darteedna uu u diiday codsiga ay qoysku soo gudbiyeen.

“Gabadha aabbaheed ayaa isoo wacay iina sheegay igana codsaday inaan gabadhiisa mehriyo, balse markii uu igu yiri meherkeeda waa 100g oo dahab ah ogow, ayaan diiday,” ayuu yiri.

Markii cadadkaas dahabka ah lagu qiimeeyay lacagta shilinka Kenya waxay noqotay ku dhowaad hal milyan.

Sheekha ayaa sheegay in diidmadiisa ay daaran tahay meherka qaaliga ah oo dahabka ah aysan ahayn mid ku fiican dhaqanka.

“Haddii la qiimeeyo ilaa 20 neef oo geel ah waaye, waxaas guur ma aha wax fiicanna ma aha,” ayuu yiri.

“Walaasheed ayuu ku mehriyay 100g oo dahab ah”

Walaasheed ka weyn ayuu dhowaan sheekhu ku mehriyay isla xaddiga dahabka uu aabbaha sheegay.

“Waxaa jirtay dhacdo tan ka horreysay, gabadha iyada ka weyn ayaan mehriyay. Ma dooneyn inaan boqol garaan oo dahab ah ku mehriyo, laakiin si kale oo aan sameeyo ma jirin,”

Sheekha ayaa sheegay in gabadha iyo wiilka la isku diidayay muddo shan sano ah, sidaas darteedna ay ku adkaatay inuu diido inuu isku mehriyo.

“Markii gaari laygu qaaday oo aan xafladda tagay oo aan nikaaxi rabo, aabbaheed ayaa yeeriyay meherka waana 100 garaam oo dahab ah. Dadkii dhan ayaa yaabay, aabbaheedna wuu ku adkeystay,”

“Anoo is leh maka istaagtaa mise waad mehrisaa, wiilka ayaa iga codsaday in maaddaama gabadha shan sano loo diiddanaa aan ku mehriyo,”

“Sheekhow meel laga noqdo lama joogo ee igu mehri, ayuu igu yiri,” ayuu sheekhu sheegay.

Wuxuu sheegay in maaddaama uusan tii hore ka baaraandegin uu diiday inuu gabadha yar isla cadadkaas ku mehriyo.

Qoyska gabadha ayaa kaddib baadigoobay sheekh kale oo gabadhooda mehriyo, balse magaalada dhan kama aysan helin wax codsigooda yeela, sida uu sheegay.

Markii dambe ayay u tageen qaadiga maxkamadda magaalada Wajeer, halkaas oo uu meherku ka dhacay.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay culimadu ka hadlaan meherka qaaliga ah, gaar ahaanna gobolka Waqooyi-bari, Kenya.

Ad
Previous articleQoor Qoor oonAmar ku Bixiyay in La Hakiyo HowlahaCaadiga ah ee kasocda Galmudug loona Jeesto Dagaal
Next articleAabbaha gabadha uu sheekhu diiday inuu mehriyo oo hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here