Sambuuska markii ugu horreysay sameyntiisa ma waxaa billaabay Hindiya mise Pakistan? bariis Biriyaan ma waxaa markii ugu horreysay lagu sameeyay magaalada Hyderabad ee Hindiya mise magaalada Karachi ee Pakistan? Waa su’aalaha doodda ka dhex dhaliyay dadka adeegsada baraha bulshada ee kasoo kala jeeda Hindiya iyo Pakistan.
Maalin kasta dadka ka soo jeeda dalalkan ee ku kala sugan Hindiya iyo Pakistan wuxuu dagaal afka ah ku dhex maraa baraha bulshada, inta badanna waxay ka doodaan mowduucyo ku saabsan cuntooyinka ilaa ciyaaraha Cricket-ka.
Waxay isku raadinayaan fursad midba midka kale uu ku weeraro. Waxa ugu weyn ee ay maanta ka doodayaan ayaa ah cuntada asal ahaan laga keenay Shiinaha.
Weligaa ma is weydiisay halka markii hore laga keenay hilibka digaagga aad cuneysid ee la yiraahdo Manchurian? Cabsida jirta ayaa ah in maalin cuntadan ay sababi karto dagaal dhex mara Hindiya iyo Pakistan?
Dadka qaar waxay u maleeyeen in hilibka noocan ah ee digaagga uu kariyay qof ka soo jeeda Pakistan kaasoo markii ugu horreysay si tijaabo ah isugu dar-daray xawaash maxalli ah iyo hilibka digaagga, sidaasna lagu sameeyay hilibka nooca Manchurian ee laga isticmaalo Pakistan.
Dadka u dhashay Pakistan ee isticmaala baraha bulshada waxay ku andacoonayaan in markii ugu horreysay cuntadan lagu sameeyay magaalada Lahore, laakiin Hindida ma rumeysana arrintaas.
Markaan eegno dagaalka caalamiga ah ee ka socda baraha bulshada ee u dhaxeeya dadweynaha labadan dal ee ku saabsan cuntadan, waxaan ka baqeynaa in dagaal dhab ah uu ka dhex qarxo labada dal kaasoo ku saleysan cunto markii hore asalkeeda laga keenay Shiinaha.
Saynab Shah oo ah qoraa wax ka qortay halka asal ahaan ay ka timid cuntadan ayaa wargeyska kasoo baxa Mareykanka ku daabacday qaabka loo kariyo cuntadaas iyadoo sheegtay in nooca hilibka digaagga ee Manchurian markii ugu horreysay diyaarintiisa loo maray tijaabooyin badan, waxaana markii ugu horreysay lagu sameeyay maqaayadda Sun Quang ee ku taalla Lahore, Pakistan dabayaaqadii 1990-meeyadii.
Xilli dambe ayay bilaabatay in cuntada lala xiriiriyo Pakistan. Dad badan ayaa faallo ka bixiyay qoraalka New York Times, qaarkood waxay sheegeen in laga yaabo inuu dagaal ka dhasho mowduucan ka dib na uu Shiinaha ka qeyb qaato qaboojinta xiisadda.
Nayanika waxay qabtaa in cuntada uu markii ugu horreysay sameeyay nin heysta dhalashooyinka Hindiya iyo Shiinaha kaasoo lagu magacaabo Nelson Wang.
Sida ay gabadhan ku qortay barteeda Twitter-ka, Wang wuxuu ku dhashay magaalada Calcutta, maqaayado ayuu ku lahaa Mumbai, wuxuu karin jiray cuntooyinka laga isticmaalo Hindiya iyo Shiinaha.
Dadka qaar ee u dhashay Pakistan iyo Hindiya ee isticmaala baraha bulshada waxay dhaleeceynayeen qoraalka uu wargeyska New York Times soo dhigay Twitter-ka.
Qof kale oo isla Twitter-ka adeegsada ayaa difaacay cuntooyinka laga isticmaalo Hindiya, isagoo soo qoray: “Cuntooyinkeena waa waxa ugu muhiimsan nolosheena, waana ku faannaa in ka badan ciyaarta Cricket-ka”.
Markii uu arkay dagaalka u dhexeeya dadka kasoo jeeda labadan waddan kaasoo ka dhashay qoraal New York Times uu soo dhigay Twitter-ka, Ayman wuxuu sheegay in wargeyska uusan xitaa magac dhabin in hilibka digaagga ee nooca la yiraahdo Manchurian markii ugu horreysay lagu sameeyay Pakistan.
Wuxuu intaa raaciyay, hadda ma waxaad rabtaan in aad ku dagaallantaan hilibka digaagga ee Manchurian?
Waxay u muuqataa in dadkan adeegsada barta Twitter-ka ee kasoo jeeda Pakistan iyo Hindiya aanay isku fikrad aheyn marka ay timaaddo halka ay kasoo farcantay cuntadan, ma Pakistan baa ama Hindiya? Muranka ku saabsan arrintani waa mid cirka isku sii shareeraya.