Home Wararka Maanta Maxay ka wada hadleen Caawa Sheikh Shariif iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi (Sawiro)

Maxay ka wada hadleen Caawa Sheikh Shariif iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi (Sawiro)

0

Kulan Ayaa caawa Muqdisho ku dhexmaray Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sh Axmed.

Kulkaan waxaa Looga hadlay Xaalada Dalka iyo Doorashada waxuna ka dhacay Guriga Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Shariif oo Kulanka ka hadlay Ayaa yiri “

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta, Madaxweynihi hore ee dalka Mudane Sharif Sheekh Axmed oo hoygiisa magaalada Muqdiaho ku booqday Guddoomiyaha Aqalka sare BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka MD Shariif iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta xisbigii Himilo Qaran waxaa uu ahaa is xog wareysi xaaladda guud dalka.

Si gaar ah waxaa kulanka looga hadlay muhiimadda ay leedahay dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Guddoomiyaha Aqalka sare uga mahad celiyay kaalintiisa sida is fahamka ah ee ay socoto doorashada xildhibaanada matalaya gobolada Waqooyi ee dalka

 

 

Ad
Previous articleDuqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ka Hadlay Abaarta Gobolka
Next articleHeshiis ku saabsan Wax Soo saarka khayraadka dalkeena oo si Wadajir ah Loo Ansixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here