Home Wararka Maanta Maxay ka Wada Hadleen Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mudane Jan Amilcar Schmidt ?

Maxay ka Wada Hadleen Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mudane Jan Amilcar Schmidt ?

0

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Xafiiskeeda ku qaabishay Madaxa Mashaariicda Hay’adda Max Planck Mudane Jan Amilcar Schmidt iyo La-taliyaha Sare ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Cusmaan Yusuf.

Kulanka intii uu socday waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Xil. Xuseen Qaasim Yusuf Idow iyo Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta Xil. Maxamuud Cabduqaadir Xaaji “Jeego”

Guddoomiyaha ayaa Madaxda Max Planck kala hadashay nidaam ugu habboon ee Haweenka uga qeybqaadan karaan jagooyinka laysku doorto iyo kuwa la isu magacaabo.

Guddoomiye Sacdiya ayaa gunnaanadkii kulanka u mahadcelisay Hay’adda Max Planck oo Baarlamaanka kala shaqeysa dhanka La-talinta Sharciga, iyo Tababarada Guddiyada Golaha Shacabka, Kutladda Haweenka iyo Howlwadeennada Golaha Shacabka.

Ad
Previous articleXasan Cabdiraxmaan Indha Yare oo Xalane ku Dilay nin kenyaan ah Maxkamad Lasoo Taagay
Next articleXildhibaan Jacfar oo Weerar Afka ah ku Qaaday Rag u Hogaaminaayay Nabadoon xaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here