Home Wararka Maanta Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri xiisada Falastiin iyo Israel?

Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri xiisada Falastiin iyo Israel?

0

Dowlada Isra’iil waxay ku tilmaamtay weerarka Xamaas ee sabtidii bilowday kii ugu xumaa, iyo mid u dhigma weerarkii Al-Qaeda 9/11. Dad ka badan kun qof oo Israel ah ayaa ku dhintay weerarka Xamaas, halka kun qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha Israel ee Qasa.

Duqeymaha ayaa socda maalinkii shanaad, iyada oo ay Israel go’doomin kusoo rogtay magaalada Qasa, oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof, iyada oo lagu tilmaamo inay tahay xabsi kor ka furan.

Markii Xamaas ay weerarka ku qaadeen magaalooyin ku yaalla xudduudda Qasa ay la leedahay dhulka la deegaameeyey ee Israa’iil ayaa waxaa soo baxay jawaabo kala duwan oo caalamka ka kala imaanayey. Dalalka carabta iyo kuwa Islaamka ee ka hadlay arrintan waxay aad diiradda u saareen in xiisadda lagu dhameeyo wadahadal iyo qaab diblomasiyadeed.

Dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Sucuudiga waxay jeediyeen baaq nabadeed balse dalka Qatar ayaa sheegay in Israa’iil oo kaliya ay qaadayso mas’uuliyadda dagaalka, waxayna labada dhinac ugu baaqeen in ay is xakameeyaan.

Dhinaca kale, sida ay sheegtay Reuters hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei, ayaa sabtigii ugu hambaleeyay dagaalyahannada Falastiin. “Waan garab taagannahay dagaalyahannada Falastiin ilaa inta la xoreynayo Falastiin iyo Quddus”.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Nasser Kanaani, ayaa laga soo xigtay in uu yiri: “dagaalkan waxaa loo adeegsaday waxyaabo la yaab leh iyo waxyaabo kale taas oo muujineysa kalsoonida dadka Falastiin marka la fiiriyo kuwa dhulkooda haysto”.

Waxa ay dowladda Soomaaliya ka tiri xiisada Falastiin iyo Israel

Dowladda Soomaaliya kama mid ahan dalalka ka hadlay colaada cusub ee ka holcaysa bariga dhexe ee ka bilaabatay weerarkii ay Xamaas ku ekeysay deegaamada Israel ee ku dhow Qasa. Laakiin marar hore oo badan ayay madaxda Soomaalidu ka hadleen xiisada Falastiin iyo Israel ee mudada dheer taagan.

Markii ugu dambeysay, raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa laba toddobaad kahor uga hadlay qadiyada iyo xiisada labada dhinac kulankii golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobay ee qabsoomay dhammaadka bishii hore. Waxa uu ku dhaliilay dalalka dunida in ay ku fashilmeyn inay xal u helaan xiisada. “Xal u helis la’aanta Qaddiyadda Falastiin waxay sii ahaan doontaa mid waji gabax ku ah damiirka dunida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.

Wuxuu ra’iisul wasaaruhu intaa ku daray isagoo af carabi ku khudbaynayey in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Falastiiniyiinta “Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Soomaaliya ay sii wadi doonto difaacista xaquuqda aysan ka tanaasuli karin shacabka Falastiinyiinta ee aynu walaalaha nahay, iyo jaangoynta masiirkooda,” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo intaa ku daray “garab istaaggeenna qaddiyadda Falastiin waxay makhraati ka tahay sida ay nooga go’an tahay ilaalinta caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha”.

Xalka ayuu ku tilmaamay in uu ku jiro in ay Falastiiniyiinta iyo Israa’iil noqdaan laba dal oo deris ah. “Waxaan ku baaqeynaa yagleelidda xal caadil ah oo ku saleysan laba dowladood oo ixtraamaya xuduudii 1967” ayuu ku yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya khudbaddii u ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay. Wuxuu ku soo koobay hadalkiisa in Soomaaliya ay soo dhoweynayso “hanaanka nabadeynta cusub ee uu soo jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres”.

Ad
Previous articleMuuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed oo Dilnarxan dara ah ugaystay Yusuf Cabdi Axmed oo Xukun Adag lagu Riday
Next articleCabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo Gaarigii Wasaarada Biyaha Alshabaab u Geeyeye oo Gacanta lagu soo Dhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here