Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Maxay arintaan ka yiraahdeen xildhibaanada Koonfur Galbeed?

Maxay arintaan ka yiraahdeen xildhibaanada Koonfur Galbeed?

0

Xildhibaan cabdalla Xuseyn Cali oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed, afhayeena u ah dhamaan xubnaha baarlamaanka ee ay isku deegaan doorashada yihiin oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka ka soo baxay gudiga doorashooyinka.

Koonfur Galbeed

Waxaan weydiinay su’aal ahayd, ma ka qayb galeysaan dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee maanta la filayo in ay ka dhacdo xerada afisyooni? Waxa uu ku jawaabay : “Haa, waan ka qayb galeynaa dhaarinta xildhibaanada ee la isugu yeeray maanta, waan tageynaa, dhaartaasna waan ka qayb galeynaa”.

Labada kursi ee aan ilaa iyo hadda la fasixin waxaa doorashadooda ku soo baxay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdi iyo taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Gudigu waxay iclaamiyeen in lagu celin doona doorashada kursiga ay ku soo baxday xildhibaan Sareedo.

 

Horey xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay u diideen in ay qaataan shaadada xildhibaanimada iyo sidoo kale in ay ka qayb galaan munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada. Balse dhawr maalin ka hor waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hugaaminayay madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye oo iclaamiyay in uu ka qayb qaadanayo xalinta khilaafka ka dhashay hakinta kuraasta.

XIldhibaan Cabdalla waxa uu noo sheegay in wadahadaladii uu galay wafdigaas ay wax wayn katareen xalinta khilaafka.

Ad
Previous articleXildhibaanada Kutlada NISA oo Xaalku Ku Xunyahay Kadib Taliyahoodi Hore oo wali Lagu Dhagan yahay
Next articleMuran xoogan oo ka dashay wargays daabacay Fatwo ku saabsan Ramadaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here