Home Wararka Maanta Maxamed Ibraahim iyo garsooreyaasha kale ee go’aanka ka gaaraya muranka doorashada Madaxweynaha...

Maxamed Ibraahim iyo garsooreyaasha kale ee go’aanka ka gaaraya muranka doorashada Madaxweynaha Kenya.

0

Hogaamiyihii hore Mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo kooxdiisa ay Maxkamadda ugu sarreysa u gudbiyeen gal dacwadeed ka dhan ah doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya taas oo madaxweyne loogu doortay madaxweyne ku xigeenka hataan xilka haya ee Kenya, William Ruto.

Doodda Raila Odinga

Waxa uu ku doodayaa in isdaba-marinta doorashada uu sheegay ay ahayd “mid la sii qorsheeyay, sharci darro iyo dambi ah”.

Sidoo kale wuxuu Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Wafula Chebukati ku eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshaha lagu xaqiijinayo natiijo been abuur ah.

Wuxuu sheegay in qorshahan uu ahaa mid uu ka warqabay Ruto balse ma uusan soo bandhigin cadeymo lagu xoojinayo arrintan.

Waxay arrintan dhalisay su’aalo ku saabsan habka xisaabinta.

Waxa uu sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in natiijadii ka soo baxday goobaha cod bixinta qaarkood wax laga bedelay.

Waxa uu ku doodayaa inuu jiray musuq hareeryay isku darka iyo tirinta codadka si Ruto uusan u gelin wareeg labaad oo ku celis ah.

Haddaba waa kuwee garsooreyaasha dhageysan doono dacwaddaasi?

1: Justice Koome: Guddoomiyaha Maxkamadda ugu Sareysa

Iyada oo ku fadhida kurisiga Garsoorka iyo Maxkamadda ugu sareysa Kenya, ayaa waxay shaqadeeeda ugu weyn tahay isku xirka Garsoorka iyo laamaha kale ee dawladda.

Justice Koome waxa ay shahaadadeeda sharciga ka qaadatay Jaamacadda Nairobi halkaas oo ay ka qalin jabisay sannadkii 1986 ka hor inta aanay horay u sii gudbin kulliyadda sharciga ee Kenya sannadkii xigay.

Sannadkii 1988-ddii waxa ay samaysatay xafiis sharciyadeed oo gaar ah, ka dibna waxa ay ku biirtay Hay’adda Garsoorka dowladda sannadkii 2003-dii, waxaanay ka hawl-gashay xarumo kala duwan, Xilligaas waxay sidoo kale xubin ka noqotay  Golaha Ururka Sharciga ee Kenya (LSK).

Sannadkii 2010-kii ayay waxay ka qalin jabisay Jaamacadda London halkaas oo ay ku dhameysatay shahaadada Masterka ee Sharciga Caalamiga ah ee Dadweynaha.

Sannadkii 2011, waxaa loo dalacsiiyay Maxkamadda Racfaanka, bishii Sebtembar isla sannadkaas, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Garsoorayaasha Kenya.

2: Philomena Mwilu: Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ugu Sareysa

Garsoore Philomena Mwilu waxa uu muddo 33 sano ah ka shaqaynaysay Garsoorka Kenya.

Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi waxaana loo ogolaaday inay ka mid noqoto Maxkamadda Sare ee Kenya sannadkii 1984 ka hor intaysan ku biirin xafiiska shirkadda gaarka loo leeyahay ee qareennada ee Mutunga & Company Advocates halkaas oo ay ku shaqeysay sharciga.

Waxaa loo dalacsiiyay maxkamadda rafcaanka bishii Noofambar ee 2012-kii waxayna halkaasi joogtay ilaa looga magacaabo Ku-xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarreysa Kenya sannadkii 2016.

3: Maxammed Ibrahim: Garsoore

Garsoore Maxammed Ibrahaim oo Soomaali ah waxa uu garsoore ka yahay Maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya tan iyo 2011-kii.

Shahaadada koowaad ee sharciga waxa uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi,waxana la galiyay Diiwaanka qareenada  bishii Janaayo 11, 1983-dii.

Ka dib waxa uu ku biiray xafiiska sharci yaqaanada ee Messrs Waruhiu & Muite halkaasi oo 1985-tii uu ka mid noqday saamileyda xafiiska.

1994-tii, waxa uu aasaasay Maxammed Ibrahim & Associates, kaas oo uu markii dambe balaariyay oo uu ka dhigay Ibrahim & Isaack Advocates sannadkii 1997kii.

Waxa uu soo noqday xubinka tirsan golaha Ururka Sharciga Yaqaanada Kenya.

Wuxuu sidoo kale  xubin ka noqday guddiga hay’ad aan dowli ahayn oo dhanka Sharciga taas oo loo soo gaabiyo (LEAD).

Garsoore Ibraahim waxa uu si firfircoon ugu lug lahaa u doodista xuquuqda madaniga ah markii uu soo baxay dhaq-dhaqaaqa dimuqraadiyad doonka ee Kenya waxaana la xiray iyada oo aan maxkamad la horgeyn sannadkii 1990-kii.

Ad
Previous articleUrurka iskaashiga islaamka oo ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho
Next articleCiidamada gaarka ah ee Ukrain oo Weerar Dad Muhiim ah lagu Dilay ka Fuliyay Gudaha Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here