Home Wararka Maanta Maxakamadda ICC ma soo xiri kartaa Putin oo mar kale ku guuleystay...

Maxakamadda ICC ma soo xiri kartaa Putin oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhacday?

0

Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa sanadkii la soo dhaafay soo saaray waaran xarig ah oo ku wajahnaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dad si gaar ah ugu dhow isaga.

Bayaan ay soo saartay maxakamadda ICC ayay ku sheegtay xilligaas in looga shakisan yahay dambiya dagaal oo ah in caruur si sharci darro looga tarxiilo Ukraine lana geeyay Ruushka.

Hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay inuu xoojin doono ciidamada qalabka sida, uuna mudnaanta siin doono waxa uu ugu yeeray howlgalka gaarka ah ee Ruushka uu ka wado dalka Ukraine.

Isagoo hadlayay ka dib doorashadii madaxtinimo ee uu helay in ka badan boqolkiiba sideetan codadkii la dhiibtay, ayaa Mr Putin waxa uu sheegay in natiijada ay muujineyso kalsoonida ay dadku ku qabaan halka uu hadda marayo Ruushku.

Waxa uu sheegay in markii Ruushku midoobo aysan jirin cid cabsi gelin karta ama caburin karta. Doorashada ayaa lagu tilamaamay mid aan xor iyo xalaal toona aheyn sababo la xiriira cadaadiska iyo xarigga ay la kulmayaan xubnaha mucaaradka ah.

Ad
Previous articleMadaale Balanqaad Culus u Sameeyey Ciidan Gacanta Kusoo Dhigay Alshabaab nabadoon Dilay
Next articleDawladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Soo Saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here