Home Wararka Maanta Maxakamada Ciidanka Oo xukun adag ku riday Ninkii Daacish Bakaaraha Lacagaha Uga...

Maxakamada Ciidanka Oo xukun adag ku riday Ninkii Daacish Bakaaraha Lacagaha Uga soo aruurin jiray

0

Maxkamadda militariga Soomaaliya ayaa xukunno ku riday laba nin oo lagu kala helay inay ka mid ahaayeen ururada al-Shabaab iyo Daacish.

Cabdraxmaan Cumar Xasan ayaa lagu helay inuu ka qaybgalay weeraro ay kooxda al-Shabaab ka gaysatay Buulo Mareer, Beledulamiin, Baraawe iyo Golweyn.

Cabdiraxmaan ayaa la qabtay bishii September 2019-kii isagoo dhaawac ah, waxaana isbitaalka looga gooyey lug kadib markii ay sidaas ku taliyeen dhakhaatiirta daweysay.

Maxkamadda militariga ayaa Cabdiraxmaan ku xukuntay xabsi daa’im.
Sidoo kale maxkamadda ayaa Warsame Cabdi Xasan ku xkuntay 15 sano oo xarig ah kadib markii ay ku heshay inuu argagax geliyey ganacsatada isagoo ka doonayey baad uu u ururinayey kooxda Daacish.

Warsame ayaa bishii October ee sannadkii hore lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleAjaanib laga Soo Qabtay Hobyo Oo Xukun adag Muqdisho lagula Riday
Next articleGuddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here