Home Wararka Somaliya Maxakamada Ciidamada Qalabka sida oo Maanta xukun riday

Maxakamada Ciidamada Qalabka sida oo Maanta xukun riday

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu helay inay si farsameeysan dadka ku nool Magaalada Muqdisho u dhici jireen.

Raggan oo laba ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan, waxaana sigaar ah Cabdifitaax Cali Cumar loogu helay in, isaga oo wata Gaari nooca raaxada ah uu si farsameeysan dadka uga dhici jiray Mobeelada, halka Nuur Cali Xasan loo heysto in uu mobeelada u iibgeyn jiray.

Cabdifitaax Cali Cumar oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sida farsameysan uu dadka u dhici jiray uu kasoo kin-guuriyay Filim Hindi ah oo uu daawaday, isaga oo sidoo kale soo bandhigay tirada dadka uu dhaca u geystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaan uu ku cadaaday dabiyada lagu soo eedeeyay, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Nuur Cali Xasan lagu xukumay 2 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xukunsanayaasha ayaa heysta muddo ku siman 30 Cisho oo ay racfaan qaadan karaan, sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Xukunkan lagu riday Maanta rag lagu helay Burcadnimo ayaa waxaa uu kusoo aadaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay dadka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo Mobeelada ka dhacaya.

Ad
Previous articleQaxooti Soomaaliyeed oo Gurmad la’aan darteed u geeriyooday
Next articleMaxuu ku yahay Heshiiska ay wadagaleen Dowladaha itobiya iyo Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here