Home Wararka Maanta Maxaa sababay geerida laacibkii xulka Galmudug?

Maxaa sababay geerida laacibkii xulka Galmudug?

0

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlada goboleeddka Galmudug waxaa jimcihii ku geeriyooday Muxyadiin Cabdi Muriidi oo kamid ahaa laacibiintii u qaaday koobka Galmudug ciyaarahii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir.

Allah u raxmadee Muxyadiin Cabdi Muriidi ayaa ku geeriyooday isbitaalka Central Hospital oo ku yaalla magaalada Dhusamareeb, kadib maalmo kooban oo uu xanuunsanaa sida uu BBC-da u xaqiijiyey gudoomiyaha xariirka kubada cagta Galmudug, Xasan Axmed Shire.

Agaasimaha isbitaalka Central Hospital Cali Axmed Barre ayaa sheegay in labo jeer oo kala duwan loo keenaya ciyaartooyga laguna wargaliyay in mudooyinkii danbe uu xanuusanaa oo xataa uusan ciyaarin kulamadii danbe ee kooxdu dheeshay.

“Habeen saddexaad goor sideed saac ah ayay noola keenaya, daawooyin xanuun baa’biye iyo gaas ayaan siinay, wuu roonaaday, dorraad ayaa mar kale naloo keenay asaga oo kooma ku jira” ayuu yiri Agaasime Cali Axmed Bare.

Waxa uu sheegay in baaritaano kala duwan ay ku sameeyn markii loo keenay balse aysan ka helin wax xanuun ah, wallow uu sheegay in aysan haysan qalabka madax lagu baaro ee Scan-ka isaguna uu aad madax uga sheeganayay.

“Madax ayaa aad looga hayay oo uu ka sheeganayay anaguna ma aan haysan scan aan ku baarno oo gobolka oo dhan lagama helo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Gudoomiyaha xariirka kubada-cagta Galmudug, Xasan Axmed oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in xanuunka Muxyadiin uu soo biloowday intii ay socdeen ciyarihii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir isla markaan la geeyay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

“Dhowra mar ayuu xanuunsaday intii aan Xamar joognay ee ciyaarahu ay socdeen, isbitaalo kala duwan ayaa la geeyay, waa la baaray xanuun weyn lagama helin, marka wuu iska fiicnaaday” ayuu yiri gudoomiyaha xariirka kubada cagta Galmudug.

Muxiyadiin Cabdi Muriidi Diinow laacibkii garab danbeedka bidix ee Galmudug oo ahaa ciyaaryahan xirfad leh, waxaa uu u dheelayay Galmudug saddexdii ciyaar ee ugu horeysay ciyaarahii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir sida uu noo xaqiiyeyay Cabdiraxman Cabdullahi Xuseen oo ahaa macalinkii Muxyidiin.

Laacibanka ayaa Waxaa uu qeyb weyn ku lahaa gushii ay gareen xulka Galmudug.

Gudoomiyaha xariirka kubada cagta Galmudug waxaa uu sheegay in dabaal-dagii iyo safarkii xulka ee dhusamareeb iyo soo dhaweeyntii loo sameeyay uu ciyaaryahanka qeyb ka ahaa balse maalinkii ay Guriceel ay u safarayeen uu xanuun ku soo booday.

“Maalintii xulku Gurceel aadayay ayuu dhahay xanuun ayaan dareemay, isbitaal ayaan gaynay dhaqaatiirta ayaa baaray, malaariyo ayaa lagu sheegay, markii danbe waxaa ku dhagay naqaska, ogsijiin ayaa lagu xiray ilaa uu ka geeriyooday” ayuu BBC-da u sheegay Xasan Axmed.

Meydka marxuumka ayaa maanta loo qaaday magalada caasimada ee Muqdisho halkaasi oo ay dagan yihiin qoyeskiisa ayna ka socota qaban qaabada aaskiiisa.

Cabdi Muriidi Diinow oo ah aabaha dhalay Muxiyidiin oo an la xariirnaya ayaa sheegay in uusan hadal Karin oo uu aad uga murugysan yahay geerida wiilkiisa.

“Meydkii wali la iima keenin, aaskii ayaan diyaarinaya mana hadali karo” ayuu BBC-da u sheegay.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleWax ka ogow isbedallada iyo waxa ku soo kordhay arrimaha Xajka ee Soomaaliya Sanadkan
Next articleMuxuu yahay Kaarka Buluuga ah ee muranka dhaliyey ee kubadda cagta lagu soo kordhiyey