Home Wararka Somaliya Jubbaland Maxaa lagu qanciyay siyaasiyiintii gobolka Gedo ee ka soo horjeeday Jubbaland?

Maxaa lagu qanciyay siyaasiyiintii gobolka Gedo ee ka soo horjeeday Jubbaland?

0

Khilaaf ku dhawaad afar sano ka taagnaa gobolka Gedo ayaa maanta xal laga gaaray, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay madaxweyne kuxigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Mas’uulkan oo muddo ku sugnaa gobolka ayaa sheegay in maamulka dhawaan laga soo magacaabay Kismaayo uu si buuxda xilka ula wareegay, ayna oggolaadeen siyaasiyiintii gobolka u talinaysay sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne kuxigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid oo ku sugan degmada Doollow ayaa warbaahinta u sheegay inay heshiiska gaareen ka hor inta uusan Kismayo ka soo ambabixin.

“Mas’uuliyiintii gobolka ka howl galeysay, ciidamadii amniga, shacabkii iyo wax garadkii dhan ayaa ka heshiiyay si qurux badan oo uu rabitaan ku jiro ayaana lagu soo gabagabeeyay haddana aniga wafdigeyga kormeer ayaanu nahay xildhibaanno heer federal iyo maamulba iyo sidoo kale wasiirada arrimaha gudaha iyo aminiga, biyaha, waxbarashada iyo tamarta waa ay igu wehliyaan marka waan badanahay.”

“Maanta waxaa dhacday xafladii ugu dambeysay ayaa dhacday si Sharaf badanna waan ugu heshiinay guddoomiye Canjeex iyo wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ahaa mas’uuliyintii ugu sarreysay maamulkii naga aragtida duwanaa ee deegaankan ka jiray waxaana haddii uu Alle Idmo ku dambeyn doonaa xarunta gobolka ee Garbahaarreey.”

Khilaafka gobolka Gedo waxa uu taagnaa muddo afar sano ku dhow, mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta gobolka ee ka soo horjeeday oo aad uga aragti duwanaana maamulka Jubbaland tabasho ay qabeen haddaba maxaa lagu qanciyay oo lagu xalliyay tabashooyinkaas?

Su’aashaas oo ay BBC-da weydiisay Maxamuud Sayid ayaa ku jawaabay: “Runtii halkan waxaa ka jiray maamul heer Gobol iyo heer degmo ah oo ku xirnayn maamulka Jubbaland oo qaar ka mid ahaayeen kuwa maamulka keenya iyo qaar kalana gadaal laga keenay marka dhaammaantood waan heshiinay waxaana ku heshiinay intii ay si madaxbannaan ay u taagnaan lahaayeen ama ay ku xirnaan lahaayeen hay’adaha nabad sugidda ee heer Federaal inay ku soo xirmaan wasaaraddii arrimaha gudaha fadaraaleynta iyo dib u heshiisiinta marka waan wada hadalnay si wada guuleysi ah ayaan ku heshiinay.”

Hase yeeshee Maxamuud Sayid ayaa ka gaabsaday inuu sheego waxa lagu qanciyay siyaasiyiintaas oo sheegay inay yihiin dad wada dhashay oo heeshiiyay aanan loo baahnayn inay warbaahinta la wadaagaan.

Waxa uu sidoo madaxweyne ku xigeenka tibaaxay in maamulka la soo magacaabay ay si caadi ah ugua hawl geli doonaan gobolka ay xilka wareejiyeen kuwii horay u hayay jagooyinkaas.

Ad
Previous articleWasiirad Abena Dapaah Oo Loo Xirey Kadib Markii Gurigeeda Laga Xaday Lacag
Next articleNinka Isku Qarxiyay ciidamdii 14ka Octoober oo lahadlay Ciidamada Ka Hor inta Uusan Is Qarxin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here