Home Wararka Somaliya Puntland Maxaa lagu haystaa qoyska lagu weeraray Boosaaso ee Filmka anshxa Xumada ah...

Maxaa lagu haystaa qoyska lagu weeraray Boosaaso ee Filmka anshxa Xumada ah laga Duubay?

0

Muuqaal naxdin leh oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinaya qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb ah iyo handaad loo geysanayo.

Sida laga arki karo muuqaalka, koox rag ah oo aan wajiyadooda loo joodin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah.

Hadaba maxaa lagu haystaa qoyskan?

Isla muuqaalka ayaa arrintaas wax badan ka bidhaaminaya. Mid kamid ah kooxda qoyska weerartay ayaa waydiinaya hooyada, “Soo gabadhaada maahan ‘Sir iyo Caad’ “? Hooyada ayaa leh “Haa”. Kadibna hanjabaad ayaa bilaabaneysa.

‘Sir iyo Caad’ waa magaca ay baraha bulshada ku isticmaasho gabar gabar dhallinyaro ah oo ay dhaleen qoyska, oo ku nool Jarmalka. Waxay kamid tahay dhalinyarada isticmaasha aaladda ku xiran Tiktok, iyada oo raacaan in ka badan 100 kun oo ruux.

Kooxda soo weerartay qoskeeda ayaa ku eedeyay, in ay hadalo gaf ah u gaysatay hogaamiye beeleed oo ay isku dhawyihiin.

Ad
Previous articleSHACABKA Muqdisho oo u abaal guday ciidanka sugay amnigooda gaarsiiyayna….
Next articleWasiir Al-Cadaala oo ka hadlay arrinta Cali Yare ee Faceebook laga Xiray iyo dagaalkii Masagawaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here