Home Wararka Maanta Maxaa laga yidhi kulankii ‘Carruurtii Klopp’ ay ka badiyeen ‘Kooxdii bilyanka joogtay’?

Maxaa laga yidhi kulankii ‘Carruurtii Klopp’ ay ka badiyeen ‘Kooxdii bilyanka joogtay’?

0

Xalay Kooxda Liverpool waxa ay guul soo daahday oo dhammaadka wakhti dheeraadka ahaa ee ciyaartaas ay kaga guulaysteen kooxda Chelsea, kaddib markii gool madax ah uu dhaliyey kabtan Virgil van Dijk.

Falanqeeyayaasha ciyaaraha ayaa siyaabo kala duwan uga fal celiyey kulankaas. Garry Neville, laacIBkii hore ee xulka England iyo kooxda Manchester United, waxa uu ku qeexay weedh u dhiganta “dhallaankii Klop ee garaacay kooxdii fursad lumiyayaasha ahaa ee bilyanka Pound joogay’

“Hadii uu in uun jiro kulan ciyaareed soo koobaya waxa UU ka dhigan yahay Klopp tababare ahaan, waxa uu ahaa kulankan” ayuu isna yidhi ciyaaryahankii hore ee Liverpool Jamie Redknapp.

Halka Jamie Carragher. “Tani waxay muujinaysaa in kubbada cagtu aysan ahayn lacag kaliya, waa wax kua roora dareenka dabeecadeed ee ciyaartoyga, metelaaddiiisa tababaraha, Chelsea-na illaa weli sidaas isulama ay jaanqaadin.”

Sida oo kale, falanqeeyaha Soomaaligaa ee Maxamed Axmed Deysane ayaa isna ku qeexay kulankan ‘Waxaan qabaa xudunta ciyaartan in ay ahayd difaaca iyo goolhayaha Liverpool, inta ay Van Dijk iyo Konate Liverpool werwer uma yaal’.

Tababare Klopp ayaa sida uu shaaciyey dhammaadka xilli ciyaareedkan ka tegi doona kooxda Liverpool, waxaana uu ku jiraa waayihiisa macasalaamaynta kooxdaas, koobkan iyo koobab kale ayuu u tartamayaa, ciyaartoydiisa iyo taaageerayaashu waxa ay filayaan in sannad xusuus u ah kooxdan uu u noqon doono.

Ad
Previous articleMaxkamada Ninkii Gubay Xaaskiisa ee aan Wali la Duugin oo Markale Maantay ka Bilaabatay Muqdisho
Next articleSheekada wiilasha Soomaalida ah ee dalka Qatar u soo xareeyey lacagta gaadhaysa 10 milyan oo doollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here