Home Wararka Maanta Maxaa laga yaqaanaa Khaalid Batarfi, ninka laga cabsan jiray ee geeridiisa la...

Maxaa laga yaqaanaa Khaalid Batarfi, ninka laga cabsan jiray ee geeridiisa la shaaciyey?

0

Garabka Al Qacida ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay geerida hogaamiyihii ururkaasi Khaled Batarfi, balse ma aysan cadeyn qaabka uu u dhintay. Muuqaal ay baahisay Al-Qaacida qaybteeda jasiirada carabta ayaa muujiyey maydka Khaalid oo ku duuduban maro cad iyo calanka ururka.

Markii kooxdku ku dhawaaqday geeridiisa, qofkii akhrinayey bayaanka ma sheegin sida uu u dhintay balse waxaa loo adeegsaday erayo ka turjamayey in loo dilay si la mida sidii saraakiisha kooxda hore loogu dilay.

Khaalid Batarfi, waa muwaadin Sacuudiyaan ah oo afartan sano jir ah, wuxuu noqday hogaamiyaha Al Qaacidada Jaziirada Carabta sanakdii 2020-kii

Mareykanka ayaa sanadkii 2018-kii ku tilmaamay inuu yahay “argagixiso caalami ah” wuxuuna abaal-marin lacageed oo dhan 5 milyan oo dollar dul dhigay qofkii keena xog isaga ku saabsan.

Abuu Khubeyb Al-Sudani oo ah sarkaal ka tirsan Al-Qaacidada Jaziiratul Carabta ku dhawaqay hogaanka cusub ee kooxda.

Al-Sudani, wuxuu intaa ku daray in golaha shuurada ee ‘AQAP’ ay u doorteen Saad bin Atef Al-Cowlaqi in uu noqdo madaxa cusub ee kooxda ee beddelaya Khaalid.

Laakiin warbixin ay soo sareen khuburo ka tirsan Qaramada Midoobay bishii Luulyo ee la soo dhaafay ayey ku sheegeen in Batarfi iyo Al-Awlaki ay hoggaamiyaan “laba garab oo iska soo horjeeda oo kooxda ah,” halka Al-Cowqali uu ka helo taageero qabaa’ilka qaarkood.

Batarfi ayaa u safray dalka Afqaanistaan sanadkii 1999-kii, waxaana uu ka dagaalamay safka Talibanka, xilligii uu Mareykanka hogaaminayay duulaanka ka dhan ahaa kooxaha jihaad doonka ee dalkaasi.

Markii danbe wuxuu Batarfi ku biiray kooxda Al-Qaacidada ee Jaziiradda Carabta sanadkii 2010-kii, wuxuuna u horseeday dagaalyahanadooda inay la wareegaan gobolka Abyan ee Yemen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo Mareykan ah.

Xilligii uu Batarti hogaanayey qaybt Al-Qaacidada ee Jaziiratul Carab, wuxuu xirir wanaagsan ka dhaxeeyey hoggaamiyihii Al-Qaacida Saif Al-Adel, oo hadda la rumeysan yahay inuu hoggaamiyo ururkaas, kaddib dilkii Ayman Al-Zawahiri oo diyaaradaha Mareykanka ay ku dileen Afqaanistaan. 2022-kii.

Washington waxay u aragtaa laanta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab inay tahay laanta ugu khatarta badan ee ururka, tan iyo sannadkii 2009-kii.

Laantu waxay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu qaaday xarunta wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee Charlie Hebdo ee magaalada Paris sanadkii 2015-kii, balse howlgalladeeda dibadda ayaa sannadihii u dambeeyay hoos u dhacay.

Warbixin ay dhawaan Qaramada Midoobay kasoo saartay Al-Qaacida ayaa lagu yiri: “In kasta oo ururka uu hoos u dhac ku yimid Jaziirada Carabta, haddana waa ururka ugu halista badan ee argagixisada Yemen.”

Waxa ay khubaradu sheegeen in ay adag tahay in la qiyaaso tirada saxda ah ee dagaalyahanada Al-Qaacidada Jaziiratul Carab, maadaama ay asal ahaan ka soo jeedaan qabaa’ilka deegaanka, balse tiradooda lagu qiyaasay kumanaan.

Warbixinada ayaa intaas ku darya in loo malaynayo in inta badan madaxda sare ee kooxdu ay ku sugan yihiin gobolka Waadi Cuabyada ee gobolka Ma’rib ee badhtamaha dalka, halka qaar kalena la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin gobolka Xadramuut ee bariga iyo Shabwa iyo Abyan koonfurta dalka Yemen.

ninka beddelaya hogaamiyaha geeriyooday ee Al-Qaacidada Yemen ayaa ka mida dadka sare ee kooxdaas ka tirsan ee Maraykankanku baadi goobayo.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo kulan Xasaasi ah la Qaatay Ciidamada Danab Xili Furimaha Mudug ay kasoo Baxeen
Next articleXog dheeraad ah oo ka soo baxday markab lagu afduubtay biyaha Soomaaliya iyo cidda haysata oo la ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here