Home Wararka Maanta Maxaa ka socda Tehran oo shalay lagu dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyah?

Maxaa ka socda Tehran oo shalay lagu dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyah?

0

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in dalka Iran ay ka dhacdo baroor-diiq loo sameynayo madaxii siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah oo la dilay Arbacadii shalay. Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah ka hor inta aan hogaamiyihii Xamaas loo qaadin magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaa oo lagu wado in lagu aaso.

Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ka dambeysay dilka. Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Iraniyiin ah ayaa sheegtay in hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran uu amray weerar toos ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Mr Khamaney ayaa mar sii horeysay sheegay in dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu jawaab ka bixiyo, maadaama Ismaaciil Haniyah uu ku dhintay dhulka Iran.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaan ka hadlin dilka Haniyah, balse waxa uu uga digay Israa’iiliyiinta in maalmo adag ay fooda ku soo hayaan. Wuxuu sheegay in dalku uu diyaar u yahay xaalad kasta.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleIran oo u hanjabtay Israa’iil iyo Netanyahu oo hadlay
Next articleGolaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey