Home Wararka Maanta Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey

0

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey wax ka beddelka sharciga maareynta qandaraasyada.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga arrimaha la-dagaallanka musuq-maasuqa ee u dhaxeeya hay’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxa kale oo lagu ansixiyey istaraatiijiyadda qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay golaha u soo gudbisay xarunta qaran ee Tubsan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu dul istaagay xasillinta iyo guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo maraya marxalad xasaasi ah.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka..

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24
Ad
Previous articleMaxaa ka socda Tehran oo shalay lagu dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyah?
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay arrin ay ku xiran tahay midnimada Soomaaliya