Home Wararka Somaliya Galmudug Maxaa Ka Dhacay Maantay Balanbale Kadib Markii laga Taagay Calanka Puntland?

Maxaa Ka Dhacay Maantay Balanbale Kadib Markii laga Taagay Calanka Puntland?

0

Magaalada Balanbale oo lagataagay Maantay  Calanka Puntland, arintaan ayaa salka kuhaysa Dagaal udhexeeyey Beelo kasoo kala jeeda Xeraale iyo Caabudwaaq kadib na sababay in xayiraad lagu soorogo gooramada Caabudwaaq iyo Balanbale oo muddo Asbuuc ah Xiran.

Maamulka Dagmada Balanballe ee dowlad goboleedka Galmudug oo kaashanaya Ciidamada saldhigga booliiska Balanalle iyo Taliska qeybta booliiska Galgaduud ayaa ku gulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan dhallinyaro kuwaasi oo Calanka Puntland ka tagay meel fagaaro ah.

Maamulka Dagmada iyo ciidanka Booliiska ayaa Calankii Puntland Dajiyay kii Galmudug na dib u saaray.

Ad
Previous articleMagaalooyinkii Galmudug ee Alshabaab Laga Saaray oo Malaayiin Doolar Loogu deeqay
Next articleTaliye Asad Diyaano oo Maantay Qaaday Talabadii Igu Horaysay