Home Wararka Maanta Maxaa dhacay markii diyaarad lugta hore ka maqan tahay ay ka soo...

Maxaa dhacay markii diyaarad lugta hore ka maqan tahay ay ka soo degtay Mareykanka

0

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Delta ee Mareykanka oo siday dad ka badan 100 rakaab ah ayaa si badqab ah ku degtay iyadoon aan laheyn lugta hore ee diyaaradaha ku dagaan.

Shirkadda diyaadda Delta ayaa sidan sheegtay, “Diyaarad rakaab ah oo lugta hore ka maqan tahay ayaa ku degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Charlotte-Douglas ee waqooyiga Caroline Arbacadii”.

Diyaaradda waxay siday rakaab tiradooda gaaraysa 96 qof iyo shaqaalaha diyaaradda. Cidna waxba kuma noqon diyaaradda oo degtay iyadoon laheyn lugta hore.

Lugta hore ee diyaaradda waa qeybta ugu weyn ee ka caawisa diyaaradaha inaysan dhibaato soo gaarin marka ay duulayaan iyo marka ay dagayaan. Sidoo kale qeybtaasi waxay muhiim u tahay marka diyaaradda si aayar ah ugu socoto garoonka iyo marka ay istaageyso.

Marka laysku daro rakaabka iyo shaqaalaha waxay tirada guud aheyd 104 iyadoo ka soo duushay Arbacadii Atlanta, waxayna timid garoonka caalamiga ee Charlotte-Douglas.

Qoraal ay shirkadda u soo dirtay BBC-da oo la xiriiray dhacdada ayey ku sheegtgay “waa xaalad aan caadi aheyn” iyadoo intaa sii raacisay in tababarka sare ay shaqaalaha diyaaradda lahaayeen ay keentay in diyaarada degto iyadoon cidna wax ku noqon.

Shirkadda Delta ayaa sheegtay, “Hadda waxa ugu weyn ee na horyaal waa inaan daboolnaa baahida macaamiisheena oo ay ku jiraan in dadka gaaraan halkii ay ku socdeen”.

Cod diyaaradda duubtay oo warbaahinta Mareykanka sii deysay ayaa laga maqlayay duuliyayaasha duulimaadka tirsigiisu ahaa 1092 oo dhahaya lugta hore ma ahan mid lagu degi karo. Waxayna xarunta hagista u sheegayeen in ay sidaan 104 rakaab ah oo ay ku jiraan duuliyayaasha, sidoo kalena ay haystaan shidaal ku filan oo hawada ay ku sii joogi karaan ilaa 50 daqiiqo. Waxay sheegeen in xaaladooda ay ku qasbeyso in degdeg ay u dagaan.

Garoonka diyaaradaha Charlotte-Douglas oo ah halkii ay ku degtay diyaaradda Delta waxay qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ku sheegeen in hawada ay xireen cilad farsamo oo ku timid diyaaradda Delta darteed.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin wixii haleelay lugta hore ee diyaaradda iyo halkii ay ka baxday.

Ma ahan markii ugu horeysay ay diyaaradda aan lahyn lugta hore ay degto. Dalka Myanmar diyaarad ay saarnaayeen 89 qof ayaa degtay iyadoo lugta hore ka maqan tahay.

Duuliyayaasha diyaaradaha waa loo tababaraa in diyaaradda ay degto marka lugta hore aysan shaqeynin. Caloosha ayey dhulka dhigataa.

Inta badan khaladka duuliyayaasha iyo dayac ka yimaada shaqaalaha haga diyaaradaha ayaa lagu sheegaa inuu yahay waxa ugu weyn ee sababa shilalka diyaaradaha balse ciladaha sida midan oo kale inta badan duuliyayaasha way ku guuleystaan inay wax ka qabtaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCali Jeyte oo Shakiyay iskana diiday Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleCiidanka Haramcad oo Cagta Mariyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheydâ€Ĥ(Sawiro)