Home Wararka Maanta Ciidanka Haramcad oo Cagta Mariyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd…(Sawiro)

Ciidanka Haramcad oo Cagta Mariyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd…(Sawiro)

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkaan oo ay sameeyeen ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmadaasi, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Haramcad ayaa howl-galkaan waxay ku burburiyeen maxkamad beenaadkii kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd deegaanadaasi, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Howl-galkaan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada.

Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMaxaa dhacay markii diyaarad lugta hore ka maqan tahay ay ka soo degtay Mareykanka
Next articleDibed baxayaal ka careysan gubida Qur’aanka oo Xoog Kula Wareegay Safaaradii Swedan ee … (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here