Home Wararka Maanta Maxaa Badalay Mowqifkii Xildhibaanada Kutlada NISA Xili Wali Fahad Yaasin Banaan...

Maxaa Badalay Mowqifkii Xildhibaanada Kutlada NISA Xili Wali Fahad Yaasin Banaan joog yahay(Xog)

0

Waxaa shalay shahaadada Xildhibaanimo qaatay inta badan xildhibaanada kutlada NISA, kuwaasi oo markii hore si iskood ah u go’aansaday inaysan shahaadada qaadan, kadib markii uu guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu hakiyay kursiga Fahad Yaasiin.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ka hor dhaarinta Xildhibaanada labad aqal ayaa waxaa kamid ah: Taliyaha NISA ee ku-meel gaarka ah Yaasiin Farey, Cabdrisaaq Xusul, Dayax Cumar iyo Faarax Cabdi Diini, kuwaas oo sidoo kale la dhaariyey marka laga reebo Yaasiin Farey.

Waxaa muuqata in xildhibaanadaan ugu dambeyntii ay danta ku qasabtay inay shahaadada qaatan, maadama aan illaa hadda xal laga gaarin kursigii Fahad, islamarkaana uu guddiga FIET dhagaha ka fureysanayo dacwadii uu gudbiyay.

Sida la fahamsan yahay, xildhibaanada kutlada NISA oo markii horeba ahaa tiro kooban oo ku dhow 20, ayaa xiligan u arka in maqnaashahooda uusan yeelaneyn saameyn weyn, sidaas darteedna ay is-daad raaciyeen xildhibaan tirada badan ee la dhaariyey.

Kursiga Fahad oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxay hadda dacwadiisa taalla maxkamadda sare ee dalka, taasi oo la filayo inay kasoo saarto go’aan u xaglinaya dhankiisa, inkasta oo illaa hadda aan maxkamadda loo gudbin jawaab-celintii dacwadaas.

 

 

Doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitameysay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo maanta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal lagu dhaariyay munaasibad ka dhacday teendhada Afisyooni.

Ad
Previous articleMusharax kasoo jeeda Beesha Daarood oo ku Dhawaaqay Inuu U Taaganyahay Qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka
Next articleGudoomiyaha ku Meel Gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Fariiintiisi ugu Horaysay Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here