Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug Maxamed Shuuke iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ayaa maanta kormeer loogu kuurgalayay xaaladaha Amni ku tagay Deegaanada Baargaale,Tixiri, Buurgaabo, Gal-agoon, Galteero iyo kuwa kale dhamaan Deegaanadaas waxay xigaan aagga Furintaa
Dhamaan Deegaanadaas maanta uu booqday Guddoomiye Shuuke waxaa laga dagay Roob dhawaan halkaas ka Da,ay iyadoo xoolo dhaqato soo hayaamay ay deegaamaysanayaan
Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela Maxamed shuuke waacyigalin u sameeyay Bulshada roobka degay isagoo kula dardaarmay inay xoolahooda Difaacdaan si aysan Maleeshiyaadka Al shabaab kaga dhicin wuxuuna ku wareejiyay sanad ciidan
Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa kal hore dhacay ku dhawaad 700 oo neef Geela sidoo kalena waxay Afgduubteen 11 ruux walina gacanta Maleeshiyaadkaas ayay ku maqan yihiin