Waxaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar ku qabsoomay Shirka 17-aad ee Wasiirada Maaliyadda Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
Shirkaan oo looga hadlay qodobo dhowr ah oo xambaarsanaa Horumarinta Dalalka Geeska Afrika ayaa markaan waxaa si kaar ah diiradda loogu saaray isku xirka dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo loo sameynayo Waddooyin waaweyn oo isku xira si loo hormariyo Ganacsiga dalalka Geeska.
Mashqruuca isku xirka Dalalka Geeska Afrika wajigiisa 1-aad waxaa nasiib u helay in lagu bilaabo Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo fulinta mashuuraacan uu masuul ka yahay Bangiga Horumarinta Afrika.
Waxaa si wada jir ah u saxiixay Mashruuca dhismaha Wadada isku xiri doonta Jabuuti iyo Soomaaliya Wasiirada maaliyadda labada dal Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Elyaas Muse Dawale.
Dhismaha wadadan ayaa waxbadan ka tari doonta isku bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika.
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay