Home Wararka Maanta Masar oo Soomaaliya usoo dirtay Diyaarado Milateri oo siday Shixnad Gargaar ah

Masar oo Soomaaliya usoo dirtay Diyaarado Milateri oo siday Shixnad Gargaar ah

0

Diyaarad militari oo Masaari ah oo ay ku raran yihiin gargaar caafimaad iyo daawooyin ah ayaa usoo ambabaxday Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Gargaarkan waxaa bixiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo dadweynaha, waxayna ku timid hirgelinta awaamiirtii Madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi si, loo sii wado taageerada Masar ee dalalka saaxiibbada ah iyo kuwa kale ee ku jira dhibaatooyinka kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin u soo jeedisay dadaallada Masar iyo taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, iyadoo ku nuuxnuuxsaday in kaalmada noocaas ahi ay ka tarjumayso niyadda walaalnimo iyo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Kaalmadan ayaa imaanaysa iyadoo la xaqiijinayo xoogga xiriirka taariikhiga ah ee Masar iyo Soomaaliya, kuna saleysan doorka hoggaamineed ee Masar ee ku aaddan waddamada qaaradda Afrika ee duruufaha kala duwan ku jira iyo siinta taageero buuxda iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay, ayaa bishii August bartamaheedii ee sannadkan, socdaal ku tagay dalka Masar, isagoo u tagay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dale ee Masar iyo Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDhageyso Xildhibaan canab oo weerar ku qaaday Somaliland ka dib markii ay soo Masaafuriyeen dad Deganaa Laascaanood
Next articleMaraykanka oo abaal marin guddoonsiiyay askartii ka qeyb qaadatay dagaalkii 1993 Muqdisho ka dhacay